Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho.
Falka dilka askarta ayaa ka dhacay bar Koontarool oo ciidamada xasilinta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaan koox hubeysan oo bistoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen laba askari, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falka geysatay.
Dadkaa degaanka ayaa inay halkaasi gaareen ciidmada amniga iyo kuwa NISA, waxaana dilkaasi sheegtay kooxda Al-Shabaab inay khaarijiyeen laba askari oo ka tirsan ciidamada xasilinta.
Alshabab ayaa sidoo kale sheegatay inay agagaarka Siinka Dheer ku dileen askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda, kana qaateen qorigii uu waty. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda.