Qeybta Warfaafinta Alshabaab ayaa soo bandhigtay muqaallo muujinaya inay qabsatay Saldhigga ciidamada dowladda ee Bariirre, Gobolka SH/hoose oo ay weerar ku qaaday Sabtidii 3 April 2021.
Sawiradda ayaa muujinaya meydad askar, dhowr gaadiidka dagaalka iyo Sladhigga oo gubanaya, waxayna arrintan jawaab u tahay taliska milateriga dowladda soo bandhigay meydadka Alshabaab ee lagu laayey saldhigga Aw-dheegle, iyadoo sawirrada lagu dul qoray taariikh, aayado iyo faahhfaahino kale.
Alshabaab waxay sheegtay inay Weerarkii 03 April 2021, ay ku dileen in ka badan 47 ka mid askarta ciidaada dowlada, ayna gacanta ku dhigeen agab militeri oo uu ka mid yahay hub, rasaas iyo gaadiidka dagaalka.
Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Alshabaab in ka badan 100 looga dilay weerarkii Aw-dheegle, laakiin wuxuu qirtay taliyaha ciidamada Milateriga in ciidmaada dowladda laga dilay 14 askari.
F.G. Waxaan ka cudurdaaraneynaa inaan idin soo gudbin karin sawirrada meydadka.








