Warbaahinta taageerta Alashabab ayaa baahisay codad ay sheegtay inay yihiin dagaalyahannadii weerarray Xerada Afisyoone Xalane Arbacadii 23 Maarso.
Mid ka mida maleeshiyada la sheegay inuu weerarka fuliyey oo telefoon ku hadlaya ayaa ka warbixinaya tirada dadka ay dileen, wuxuuna sheegayaan in laba askari oo AMISOM iyo laba caddan ah ay toogteen, xarunna ay gubeen.
Wuxuu intaas ku daray inay ku jiraan xafiisyadii Gaallada, isla markaana ay ka dhex dagaalamayaan, waxaana hadalka la baahiyey ka muuqda in la wareysanayey xilliga uu howlgalkaasi socday.
Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyo inay ku dishay 17 qof oo 4 saraakiil caddaan ah ku jiraan iyo ciidamada AMISOM.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 5 qof oo afar kamida ay Ajnabi yihiin iyo askari ka tirsan AMISOM lagu dilay weerarkii Xalane, iyadoo aan la bixin wax faahfaahin ah.
Ma jirto cid xaqiijisay sheegasha Alshabaab iyo tirada saxda ah ee qasaaraha ka dhashay weerarkii 23-kii Bishan Maarso ka dhacay Muqdisho; waxaana ka gaabsatay AMISOM.
Alshabaab ayaa inta badan soo bandhigta magacyada s-miidaamyeyaasha fuliya qaraxyada iyo beelaha ay kaso jeedaan, iyagoo dardaaran laga sii duubo.

HOOS KA DHAGEYSO