Qeybta Warfaafinta Alshabaab ee Alkataa’ib ayaa baahisay muuqaalka ku baxaya luuqada Sawaaxiliga oo laga duubay dagaalyahan Kenyaati oo dhintay.
Fariintaan ayaa ujeedkeedu ahaa in lagu soo dumo dadka ku hadla sawaaxiliga ee baraha Afrika si ay Soomaaliya u yimaadana, oo ay uga barbar dagaalamaan Alshabaab, waxaa jeedinayey Kamanda Hashim oo Kenyaati.
Ninkan ayaa sida muuqata wuxuu farriinta duubay sanadkii 2009, isagoo dhalinyaradda Kenya u sheegaya inay yimaadaan Soomaaliya, waxaana hadalladiisa ka mida inaysan wax gaajo ah ka jirin Soomaaliya oo xitaa ay cunaan Hilibka Geella, Lo’da iyo Ariga , ayna heystaan nolol fiican.
“Nolol fiican ayay mujaahidiintu ku nool yihiin.. Waxaan cunnaa nooc kasta oo Hilib ah sida Geel, Ari iyo Lo’; waa been wararka warbaahinta gaallada ee ah in Soomaaliya Gaajo ka jirto..” ayuu farrintiisa ku yiri dagaalyahanka oo dhalinyaradda Sawaaxilliga ku hadla doonaya inay Soomaaliya yimaadaan.
Farriinta ninkan oo geeridiisa ay si hoose u xaqiijiyeen warbaahinta Alshabaab, markii ay soo xigteen ayaa ka mida ololaha Alshabaab ku raadineyso dagaalyahanno Kenyaan ah iyo dallaka kale ee Bariga Afrika.
