Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ninkii isku qarxiyey Baar ku yaalla magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan 19-kii Febraayo 2022, kaasoo geystey qasaare fara badan.
Dardaaran laga sii duubay Is-miidaamiyaha ayuu ku sheegay intii aanu fulin weerarkii uu ku beegsaday Baarka Xasan Dhiif ee magaalada Beledweyne inuu magaciisu yahayYuusuf Cusmaan Axmed, isla markaana ay da’diisu tahay 23 sano jir.
Is-miidaamiye Yuusuf Cusmaan ayaa kasoo jeeda Beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Makaahiil, isagoo ku dhashay degaanka Baladul-Amiin ee gobolka Sh/Dhexe sanadii 1999, wuxuuna Alshabaab ku biray isagoo yar.
Alshabaab ayaa caadiyan baahisa dardaaran laga sii duubo is-miidaamiyeyaasha fuliya weerarrada Qaraxyada ah, iyadoo ka hadlaya taariikhdooda, beeshooda iyo sida ay ula dhacsan yihiin falka ku ay ku dhaqaaqayaan.
Qarixii Beledweyne waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ka badan oo ku dhow 50 qof, wuxuuna ahaa midkii ugu qasaaraha badnaa ee magaalada ka dhaca muddo sanado ah.
