Qeybta Warfaafinta Alshabaab ayaa baahisay muuqaalka askari ka tirsan ciidamada Kenya oo ay maxbuus ahaan u heystaan, kaasoo lagu qabtay weerarkii Ceel Cadde ee shacay shan sano ka hor 2016.
Askarigan oo lagu magacaabo Gerishon W. Wasike ayaa ka hadlay sida uu Soomalia ku yimid, weerarkii Ceelcadde ee lagu laayey askarta badan ee Kenya iyo sida dowaldiisa ay isga ilowday oo aan marna loo soo hadal qaadin Maxaabiista ay Alshabaab heysato.
Muuqaalka ayaa loo adeegsaday in askarigan uu culeys ku saaro dowlada iyo shacabka Kenya, wuxuuna 53-sano jirka Wasike ugu baaqay dowladda Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya sida Mareykanku yeelay oo kale.
Maxbuuskan oo ah markii labaad ee ay Alshabaab soo bandhigto, isagoo hore muuqaalkiisa loo baahiyey April 2016 ayaan wax war ah ka imaan dowladda Kenya, lamana oga tirada maxaabiista ay heyso Alsahbaab ee Kenyaanka ah.
Wuxuu ka codsaday dowladda Kenya inay arrintiisa wax ka qabtaan, qoyskiisana wuxuu ka dalbaday inay culeys saaraan dowladda Kenya. Gerishon W. Wesike waa maxbuus shan sano gacanta ugu jira Al Shabaab.




