Filim muuqaal ah oo Alshabaab ay maanta baahisay ayaa waxaa lagu baahiyey falal khaarijin ah oo ay ka fulisay magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.
Dadka toogashada lagu dilay ayaa dhammaantooda filim laga duubay, waxaana laga wada tooganayaa madaxa, iyadoo ay ka mid ahaayeen xubno isugu jira, askar, saraakiil iyo Odayaal dhaqameed qaarkood lagu dilay suuqa Bakaaraha.
Kooxdaha Alshabaab ay ku magacaabaan Ightiyaalaadka ee fulisa khaarijinta dadka ayaa xoojisay dalalka ay ugaarsaneyso dad kala duwan oo bar tilmaameed u ah, waxaana muuqaalkan cusub ahaa kii ug weynaa ee lagu faafiyo dad la khaarijinayo, iyadoo ay arrimahan ku caan baxday kooxda kale ee Daacish.
Waxaa kaloo muuqaalka cusub oo soconaya muddo 11 -daqiiqo ah lagu soo bandhigay qaraxyo lala beegsaday gaadiid iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.




