Alshabaab ayaa sheegtay inay dib uga la wareegtay degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo uu dagaal ku dhex maray ciidamada AMISOM maanta oo muddo saacado ah la wareegay degaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in galabta oo dhan ay socdeen weeraro goosgoos ah oo ka dhacayay agagaarka Janaaale, iyadoo lasoo weriyay in qarax miino uu qabsaday Gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM ee Uganda, iyadoo aan al ogeyn qasaaraha.
Wararka laag helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaabul caawa ku sugan yihiin magaalada Jannaale, kadib markii ciidamada AMISOM dib ugu gurteen deegaanka Shalaanbood oo fariisin u ah. Dagaalo joogto ah ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku dhex maray Alshabaab iyo AMISOM jidka u dhaxeeya Jannaale iyo Buufow.
Alshabaab ayaa la sheegay in boqolaal maleeshiyo ah ay isugu keentay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyadoo la filayo inay weeraro waaweyn qorsheynayaan, waxaana inta ugu badan ay hadda dul hoganayaan Janaale.
Wadani.com