Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab ay Caawa weerar culus ku qaadeen degmada Afgooye.
Weerarka ayaa lagu qaaday galbeedka degmada Afgooye oo fariisin ay ku lahaayeen ciidamada dowladda, waxaana maleeshiyada Alshabaab ay iska dhigtay dad shacab ah iyagoo soo raacay gaari BL ah nooca dadweynaha ee HOMEY, iyagoo markii ay ku soo dhowaadeen barta ciidan ay rasaas ku bilaabeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa.
Dagaal qaraar oo labada dhinac dhex maray ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay ku dhimatay haween shacab ah, isla markaana lagu dhaawacay oday goobta ka dhowaa.
Ciidamada dowladda iyo Alshabaab ayaa qasaare kasoo gaaray dagaalka, inkastoo aan la helin tirada qasaaraha, isla markaan aanay jirin cid ka hadashay dagaalka caawa ka dhacay Afgooye ilaa iminka.
Xaaladda ayaa hadda degan iyadoo ciidamo dheeraad ah ay halkaasi gaareen, isla markaana ay dib u gurteen kooxdii Alshabaab ee weerarka soo qaaday.