Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisin ay ciidamada NISA ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda SOS ee degmada Heliwaa, xarun ay fariisin ku lahaayeen ciidamada Nabadsugidda ee NISA. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo daqiiqad socday, sida ay sheegeen dadka degaankaasi.
Weerarka ayaa ku bilowday rasaas culus, kadib waxaa la maqlayay qarax loo maleynayo inuu dhaliyay qoriga RGB ee Basuukaha, iyadoo ciidamo gurmad ah loo diray halkaasi oo muddooyinkan danbe aan laga soo werin weerarro.
Xaaladda ayaa markii dambe ku soo laabatay xasilooni, inkastoo rasaas goosgoos ah laga maqlayo aggaarka isbitaalka SOS oo ku dhow suuqa xoolaha oo ah goob ay ku badan yihiin.