Kooxda Alshabaab ee gobollada dhexe oo fadhigoodu yahay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay in caruur fara badan afduubteen degaankaasi sida ay ku warrameen dadka degaanka.
Wararka ayaa sheegaya in in Xarakada Al-shabab ay degaano hoos taga Xarardheere ka Afduubteen caruur aad u da’ yar oo wax ka baran jiray dusgiyada quraanka 6 tuulo oo hoos yimaada Xarardheere kadibna ay u kaxeyseen xerooyinkooda milateriga.
Dadka degaanka ayaa soo weriyay in caruurta la Aaduubtay ay ay Alshabaab u fureen tababar ciidan iyadoo u carbinaya inay kala qeyb galaan dagaalada. Tirada caruurta la afduubtay ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, waxayna Alshabaab hore caruur uga afduubatay Gobollada Gedo, Jubooyinka, Bay iyo Bakool.
Dagaaladii Shabab la galeen Puntland ayaa lagu qabtay caruur fara badan oo ay dagaal geliyaan Alshabaab, taasoo si weyn loo cambaareeyay
Wadani.com