Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadii laga dilay Kenya weerarkii Alshabaab ku qaaday degaanka Ceelcade oo ay kula wareegtay saldhigii weynaa ee ciidamada Kenya lagu aasay goobihii ay ku dhinteen.
Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidamada laga qabtay Kenya, hubka iyo gaadiidka ay Alshabaab ula dhaqaaqeen dhinaca Degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe halkaasoo la filayo inay ku soo bandhigaan.
Tirada ciidamada Kenya ee maxaabiis ahaanta ay Alshabaab ku qabsadeen dagaalkii Ceelcade ayaa wararka xogogaalka ahi sheegayaan inay gaarayaan 9-12 askari oo qaarkood dhaawacyo gaareen.
Tirada dhimashada ilaa iminka ma cadda, Alshabaab ayaa sheegatay ilaa 100 askari, laakiin waxaa markii ugu horeysay laga helay xog arrintan ku saabsan saraakiisha Kenya sida uu qoray wargeyska Daily Nation iyadoo sheegay inay filayaan in dhimashadu gaarto 50 askari.
Degaanka dagaalku ka dhacay ee Ceelcadde waxaa weli gacanta ku haya kooxda Alshabaab iyadoo xaaladu kacsan tahay oo laga cabsi qabo in rogaal celis xoog leh uu ka yimaado dhinaca Kenya oo ku jirta tacsi ay u murugooneyso askartii ka dhintay oo aanay meydadkoodii xitaa heynin.
Ciidamadii ka badbaaday dagaalka ayaa u baxsaday dhinaca Ceelwaaq, waxaana tirada xerada Ceelcadde ku sugneyd lagu qiyaasay in ka badan 500 askari.
Wadani.com