Alshabaab aya sheegtay weerar lagu qaasay Bas ay al socdeen dad Kenyaan oo ka yimid magaalada Mombasa kuna socday Lamu, iyadoo Booliska Kenya uu sheegay in weerarka baska lagu dilay 3 qof, 3 kalena lagu dhaawacay.
Bas-ka ayey joojiyeen maanta koox dabley ah, balse darawalka ayaa si xoog ah uga cararray, taasoo keenay inay rasaas badan ka daba furaan, waxaana ka dhashay dhimasha iyo dhaawaca ay shaaciyeen Booliska Kenya, laakiin Alshabaab ayaa shaacisay inay laayeen dadkii Kirishtaanka ahaa ee la socday baska ayna sii dayeen kuwii muslimiinta ahaa.
Warka kasoo baxay AlShabaab ayaa lagu sheegay in weerarku uu beegsaday Afar gaari Basas ah oo ka yimid Mombaasa kunasii jeeday Laamu, lagunad ilay Afar Kenyati ah, iyadoo ay kala saareen dadkii gaadiidka la socday.
Ciidamada Kenya ayaa caawa shaaciyey inay dileen afar ka mida dabley lagu tuhunsan yahay Alshabaabkii ka danbeeyay werarkii maanta lagu qaaday Bas-ka, ayna gacanta ku dhigeen Nin dabley ah oo kale, iyagoo ku raad joogay kooxda werarka qaaday.
Tirada dadka ku dhintay weerarka Alshbaab ku qaadeen gadiidka dadweynaha ee degaanka Nyongoro, ayaa laga cabsi qabaa inuu sare u kaco iyadoo dhaawacyada la sheegay inay xaalkoodu liito.