Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay la wareegeen degmada Buulo-xaawo kadib weerar culus oo laba geesood ah.
Weerarka ayaa ku bilowday qarax gaari is-miidaamin ah oo boqolaal dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan ay aroortii saaka ku qaadeen Saldhigga Ciidamada jubbaland ay ku leeyihiin Bariga Magaaada Belad-Xaawo iyo Saldhigga booliska.
Qaraxa ayaa lala beegsaday saldhigga daraawishta ee Jubbaland ee Belad-Xaawo , iyadoo markaas kadib dagaal xoog leh uu dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland, waxaana la xaqiijiyay in ciidamada Jubba iyo kuwa dowladda ay isaga baxeen degmada.
Al-Shabaab ayaa xilligan gacanta ku heysta degmada Beledxaawo, waxaana jira qasaare fara badan oo halkaasi ka dhacay. Alshabaab ayaa sheegtay in 30 askari ay ku dileen weerarka, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.
DEGDEG: Ciidamada Kenya oo duqeeyay degmada Beled-xaawo & Alshabaab oo ka baxay