Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerar culus kula wareegeen galabta degaan ka tirsan degmada Balcad.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Ceelka-Geelow oo u dhexeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Alsahbaab ku dhex maray dagaal culus oo markii dambe keenay inay Alshabaab la wareegaan degaankaasi.
Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay dagaalka uu ahaa mid qaraar oo markii labaad ay Alshabaab weerar ku soo qaadeen laba toddobaad gudahood.
Degaanka Ceelka Geelow ayaa ah bar koontarool oo ciidamada dowladda ay lacago uga qaadaan gaadiidka isaga kala goosha Balcad iyo Jowhar, waxaana degan ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.
Isu socodka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa noqday mid dhibaato ah, iyadoo ay ka go’een mas’uuliyiinta iyo ciidamada Hirshabelle oo diyaarad isaga goosha Muqdisho iyo Jowhar.