Maleeshiyada Ashabaab ayaa saaka dagaal kula wareegtay dageenka Goof-gaduud Buurey ee duleedka magaalada Baydhaba, kadib dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabab ay weerar lagu bilaabay qarax gaari iyo qof is-miidaamiyey ku qaadeen saldhiga ciidamada ee Goof-gaduud, isla markaana muddo kooban ay la wareegeen saldhigga, balse dagaal rogaal celin ah looga saaray halkaasi.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay inay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaartay labada dhinac, waxaana la xaqiijiyey in lagu dilay ilaa 8 askari iyadoo dhaawacu ka badan yahay.
