Maleeshiyada Al-shabab ayaa la wareegtey degaanka Diif ee Gobolka Jubada hoose oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia.
Degaal ay Saaka la galeen Ciidamada Maamulka Jubaland ee degaankaas ku sugnaa ayaa la sheegay inay Alshabaab gacanta ku dhigeen degaanka Diif. Ciidamada Jubaland ayaa isaga baxay, waxayna dadka degaanka sheegeen in maleeshiyada Alshabaab ay gaaf wareegeyso.
Ciidamada Kenya ayaa heegan la geliyay iyadoo Alshabaab ay maleeshiyo fara badan geystay degaankaasi oo saaran xuduudka Kenya. Ma jiro wax war ah oo ay arrintan kasoo saareen maamulka Jubba.