Kooxda Alshabaab ayaa daldashay saddex nin oo dhalinyaro ah kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay ku kaceen fal isu galmood ah iyo basaasnimo.
Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah ku toogtay sedex dhalinyaro ah magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe, kadib markii maxkamadi ay sheegtay inay ku heshay danbiyo isugu jira galmo sharci daro ah iyo basaasnimo.
Labo wiil oo lagu kala magacaabo Isxaaq Abshirow oo 20 jir ah iyo Cabdirisaq Sheekh Cali oo 15 jir ah ayay maxkamdu sheegtay in lagu helay danbi ah in ay isu galmoodeen, sidaas daraadeedna dil lagu xukumay, iyadoo galinkii danbana meel fagaare ah lagu toogtay.
Sidoo kale isla fagaarahaasi waxaa lagu toogtay Siciid Maxamad Cali, oo ay maxkamadda Al-shabaab sheegtay in lagu helay danbi ah inuu ka tirsanaa sirdoon ay tababareen ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.