Wararka laga helayo gobalka Sh/Hoose ayaa sheegayaa in Al-shabaab ay la wareegeen degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose kadib markii ay isaga baxeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.
Degaanada cusub ee Alshabaab qabsadeen waxaa ka mida Golweyn iyo Cambarey. Degaanadan ayaa Alshabaab u gacan galay shalay galabtii kadib dagaalo kooban oo ka dhacay halkaasi. Alshabaab ayaa hadda qarka u saaran in degmadii Saddexaad ay la wareegaan iyagoo sidoo kale gacanta ku haya degaano ka badan kuwa ay hadda joogaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
Tuulada Golweyn ayaa u dhaxeysa Buulomareeer iyo Shalanbood, halka deegaanka Cambarey isna u dhaxeeyo Baraawe iyo Buulomareer. Waxaa muuqata in AMISOM ay dib u gurasho ku jirto Gobolka Sh/hoose iyadoo Alshabaab ay isku fidineyso lamana oga qorshaha dib u gurasho waxa uu ku dambeyn doono.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]