Degmada Ceeldheer ee Galgaduud waxaa lagu caleemo saaray suldaan Cusub oo Beesha Wacaysle ee Abgaal ay yeelatay, kaasoo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee taageersan Alshabaab.
Munaasbadda Caleemo saarka ayaa ahayd mid si weyn loo soo qabanqaabiyey, waxaana ka qeyb galay odayaal, waxgarad iyo dadweynaha degmada Ceeldheer, waxaana la sheegay in kulanka odayaasha loogu doortay inuu noqdo Daa’uud Xassan Aadan suldaanka guud ee beesha Wacaysle.
Degaanada Beesha Waceysle ee ay maamusho Alsahbaab ayaa suldaaankan cusub uu maamuli doonaa, waxaana maamulka Alshabaab e Gobolka Galgadduud uu gudoonsiisay suldaana Kitaabka Qur’aanka, Calan, Qori iyo booshkiisa iyo Gaari Prado ah, iyadoo faras lagu dhex mariyey magaalada Ceeldheer.
DAAWO SAWIRRO












