Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay fal naxdin leh ka fulisay degaanka Biyo-cadde oo ay ku dishay saddex ruux oo isku qoys ah.
Alshabaab ayaa weerar ay ku qaaday guri ay deganaayeen qoys waxay ku dishay Aabe, wiil uu dhalay iyo oday marti u ahaa.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa xaqiijiyay falkan ay Alsabaaab geysatay, waxayna booqasho tacsi ah ugu tageen qoyska waxyeeladu gaartay.
Lama oga sababta ka dambeysa falka weerarka Alshabaab ee lagu beegsaday qoys shacab ah, waxaana uu falkan ka mid yahay weerarada ay naxdinta leh ee Alshabaab ka geysato degaanada dowladu gacanta ku heyso.
Wadani.com