Al-Shabaab ayaa Dil toogasho ah ku fulisay lix qof oo ay ku eedeysay inay ahaayeen Basaasiin la shaqeeya Mareykanka oo ay gacan siiyeen duqeyn lagu dilay xubno ka mid ahaa ururka.
Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana maxkamadda Alshabaab ee degaankaasi ay sheegtay inay dadkaasi qirteen denbiga lagu soo eedeeyay.
Ragga ay Al-Shabaab toogteen oo da’doodu u dhaceyso 43 ilaa 22 sano jir ayay Magacyadoodu kala yihiin:
1- Cabdullaahi Cabdixmaan Ibraahim (Dalmar) waxay AlShabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka mareykanka, isla markaana uu gudbiyay xogta Saraakiil katirsan Al-Shabaab si loo duqeeyo.
2- Xasan Maxamed Aadan (Mustaf) wxaa lagy eedeeyay inuu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn ka dhacday degmada Saakow.
3- Cabduqaadir Maxamed Sheekhey Cali (Buule) waxay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu qeyb ka ahaa duqeyn ka dhacday demada Saakow.
4- Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, waxay Shababaab ku eedeeyeen in uu diyaariyay duqeyn lala beegsaday Saraakiil Al-Shabaab ah, isagoo gudbiyay xogta rag kale oo katirsan Al-Shabaab.
5- C/Salaan Ibraahim Maxamed (Shaalle), waxay kusoo eedeeyeen in uu la shaqeeyay Sirdoonka Mareykanka uuna gudbiyay xogta Saraakiil katirsan kooxda Al-Shabaab.
6- Cabduqaadir Xuseen Cabdi (Gobal) waxay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu qeyb ka ahaa weerar iyo duqeyn ka dhacday degmada Saakoow, isla markaana uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka.
Dilala toogashada ee Alshabaab fuliso ayaa loo cuskadaa qirasho, waxaana dadka la dilayo lagu qaadaa xukun ah inay Diinta ka baxeen, iyadoo aanay jirin Qareeno u dooda.
