Dadka degaanka Ceelcali ayaa soo weriyay in saaka ay Maleeshiyada Alshabaab gowraceen ganacsato iyo odayaal degaanka ah.
Wararka laga helayo degaanka Ceelcali ayaa sheegaya in dadka la gowracay ay gaarayaan 5 qof oo isugu jira saddex ruux oo ganacsato ahaa iyo laba ka mida odayaasha nabadoonada ah ee degaanka.
Ganacsatada ay Alshabab ku gowracday degaanka Ceelcali waxaa ka mida:
- Maxamed Birqaad
- Maxamed Cismaan Aadan
- iyo Aadan Maxamuud Cabdi.
Wararkii ugu danbeeyay ee degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba nabadoon oo caan ah ay sidoo kale Alshabaab ku gowraceen degaankaasi, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii ay xirxireen.
Dadka la dilay ee Alshabaab gowracday waxay ku eedeysay inay gacansaar la lahaayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee shalay isaga baxay Ceelcali.
Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyo boqolaal ah oo aan horel oo arag ay ku xoomeen degaanka Ceelcali oo la sheegay inay ciil hore u qabeen dadka degaanka.
Wadani.com