Alshabaab ayaa degaan ka mida degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku caleemo saartay Wabar cusub oo a yeelatay Beesha Baadi-cadde.
Wabarkan ayaa lagu magacaabaa Wabar Cumar Wabar Cabdi Wabar Maxamed, iyadoo loo caleema saaratay inuu noqdo Wabarka guud ee beeshaasi, waxaana lagu maamuusay xaflad si weyn loo agaasimay oo dad badan ka eyb galeen.
Wabarka waxaa Goobta lagu caleemo saaray lagu gadoonsiiyay kitaabka Quraanka kariimka,Calanka Alshabab, Gaari iyo Qori iyo Boosh.
Alshabab ayaa degaanada ay ka taliso ku caleemo saartay nabadoonno fara badan oo hoos taga qeybta u qaabilsan Odayaasha dhaqanka, iyadoo mid kasta ay iiso Qori iyo Gaari uu ku socdo.







