Xarakada Alshabaab oo sii wada xukunno dil ah oo lagu fuliyo saraakiil ka tirsan horjoogayaasheeda ayaa magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ku daldashay laba sarkaal oo ururka ka mid ahaa una dhashay dalka Kenya.
Cabdullaahi C/majiid Faraj: ninkan waxay Alshabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay afar sirdoon oo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin, CIA-da Mareykanka, MOSSAD Isaa’iil iyo MI6-ka Ingiriiska. Waxayna sheegtay inuu ka qeyb qaata dilkii culimo badan oo lagu dilay dalka Kenya sida Sheekh Cabuud Robow.
Jarad Mokae Omambia: Waxay Alshabaab ku eedeysay inuu u shaqeynayay sirdoonka Kenya, isagoo waday qorasho dad qarsoodi ah oo howlgallo ka fuliya Soomaaliya.
Labadan nin ayay ALshabab sheegtay inay ciidankeeda kula joogeem qaab mujaahidiin muhaajiriin ah balse ay noqdeen jawaasiis sirdoonada Kenya iyo Yahuudda la shaqeynayay.
Muddo 24 saacadood gudahood ah ayay Alshabaab daldashay 7 ruux oo dhammaantood lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin, waxayna qaarkood ahaayeen saraakiil sare, taasoo muujineysa in Alshabaab ay ku jirto xaalad adag oo kalsooni darro dhexdeeda ah.
Wadani.com