Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa ka dhex dagaalamaya Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla wadadda tagta garoonka Diyaaradaha Adan Cadde, una dhow Isgoyska KM4.
Weerarka Hotelka lagu qaaday ayaa bilowday kadib Maqribnmadii caawa, waxaana lagu bilaabay qaraxyo is daba joog ah oo is-miidaamin ah, iyadoo goobta laga maqlay ilaa saddex qarax.
Rasaas xoog leh ayaa ka socota gudaha Hotelka, waxaana la xiray wadooyinka gala Hotelka oo ay inta badan tagaan siyaasiyiin iyo dabaqadda sare ee dadka Muqdisho.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, iyadoo war ay soo saartay ku sheegatay in dagaalyahanadeeda ay qabsadeen Hotelka Hayat, ayna ka wadaan howlgalka toogasho ah oo lagu beegsanayo madaxda iyo saraakiisha ku sugan gudaha xarunta.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas, halka gadiidka gargaarka degdega ah ay goobta ku qulqulayaan. Ciidamada Haramcad, kuwa NISA iyo Booliska ayaa ka howlgalaya Hotelka ay maleeshiyada Alshabaab gudaha u galeen.
Afhayeenka ciidmada Booliska ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Ciidanka dowladda ayaa howlgallo ka wada Isgoyska KM4, kadib markii maleeshiyaadka Argagixisada ay weerar ku qaadeen Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka ayaa hakiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa iyo isku socodka dadweynaha ee Isgoyska KM4.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
