Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa la wareegtay degaanka Diif ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii ay xalay dagaal xoog leh oo saacado qaatay uu dhex maray ciidamada Kenya iyo Alshabaab.
Degaanka Diif ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayay si kedis ah Alshabaab u qabsadeen iyagoo weerar kedis ah ku galay, kuna weerary saddex gaari, waxaana halkaasi isaga cararay ciidamada Booliska Kenya, taasoo keentay inay Alshabaab la wareegaan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Al shabaab oo muddo saacado ah gacanta ku hayeeny saldhiga booliska Diif, markii dambeya ka qaateen agab isugu jira Teendhooyinka ciidamada, rasaas, hub iyo qalab ciidan.
Warbaahinta madaxa banaan ee Keneya ayaa baahisay in Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay saldhiga ka qaateen hub tiro badan oo ay lahaayeen ciidamadii saldhiga ku sugnaa.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa warbaahintooda ku sheegtay in dagaal oo muddo qaatay ay kula wareegeen degaanka Diif.
Lama sheegin wax qasaare ah oo dagaalkaasi ka dhashay, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay qasaaraha labada dhinac.
Wadani.com