Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay diyaarad nooca Drone-ka ah oo aan cidna wadin, kadib markii ay ku soo dhacday degaanka Goobaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in diyaaradda ay ka soo duushay Garoonka Bali doogle oo xarun u ah ciidamo gaara oo Mareykan ah, wxaayna diyaaradda ahayd nooca wax basaasa ee ishaa faleynta ku sameeya dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo gaadiidka.
Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaaradda ay la wareegeen ay saaran yihiin Kaamirooyin casri ah, isla markaana ay la wareegeen Diyaaradda iyo Qalabkii saarnaa intaba.
Wadani.com