Thursday, May 15, 2025

Alshabaab oo la wareegtay diyaarad Drone ah oo ku soo dhacday Buurhakaba

Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay la wareegtay haraagii diyaarad nooca keligood is wada ah  ee loo yaqaan (Drone) oo lagu wado inay Mareykanka leeyihiin oo maanta ku soo dhacday degaan ka tirsan degmada Buurkahaba ee Gobolka Bay.

Drone

Dadka degaayaa sheegay  in diyaarada markii ay soo dhacdayba ay goobta tageen maleeshiyo ka trisan Alshabaab oo ay qaateen qalabkii diyaaradda soo dhacday, kadibna ay meesha isaga tageen. Ma jiro war ka soo baxay wasaaradda difaaadda Mareykanka oo  xaqiijinaya ama ka hadlaya diyaaradda aan duuliyaha wadin ee ku dhacday Koonfurta Soomaaliya, laakiin waxay diyaaradahaasi duqeyn ka geysteen xarumaha Alshabaab ee K/Soomaaliya iyagoo hore u dilay saraakiisha ugu sareysay ee ururkaasi.

Ad

Diyaaradaha loo yaqaan Drone-ka ee is wada ayaa marar dhowr ah ku soo dhaca Konfurta Soomaaliya iyadoo aan marna la caddeyn sababta ay u dhaceen inay farsamo tahay iyo in la soo riday.

 

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

 

[ad name=”HTML-6″]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON