Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee goboolka Shabeellada Dhexe.
Saldhiggan ayaa ku yaalla waddo xiriirisa Balcad iyo Afgooye, gaar ahaan halka loo yaqaan Basra, waxayna Al-Shabaab sheegteen inay weerarkan ku dileen Lix askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ay arkeen meydadka afar askari oo labada dhinac ka tirsan, waxaana lasoo weriyay in maleeshiyada Alshabaab ay goobtaasi ka baxeen muddo kadib.
Alshabaab ayaa sheegtay inay hub ka furteen ciidamada dowladda ee ku sugnaa saldhiggaasi, inkastoo askarta joogtay la sheegay inay ahaayeen kuwo kooban.