Kooxda Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah ku fulisay xukuno gacan iyo lug goysmo ah laba nin oo lagu soo eedeeyay xatooyo.
Xukunkan ayaa lagu fuliyay degaanka Daaru Salaam ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo la sheegay inay midkood lug laga gooyay, halka mid kale gacan laga gooyay kadib falal xatooyo ah.
Labada nin ayaa maxkamada AlShabaab ee Shabeellada Hoose, u riday xukun xatooyo ah, waxaana la sheegay in mid ka mida in hore gacanta looga jaray kiis kale oo xatooyo ah, taasoo keentay in markan lugta laga jaro markii uu xatooyo kale ku kacay.
Cabdi Cali Maxamed oo 25 sano jir ah waxaa laga jaray lugta bidix kadib markii horay looga gooyay gacanta bidix, kadib markii uu ku kacay xatooyo. Waxaa isna gacanta laga gooyay Maxamed Xasan Cumar lagu soo eedeeyay Neef Dibi saddex jir ah. Maxamed Xasan Cumar ayaa isna laga jaray gacanta bidix.
Alshabaab xukunnada ay fuliso waxay u badan yihiin kuwo qiraal ah oo dadka la soo eedeeyo ay ku qirtaan inay dembigaasi galeen.
Wadani.com