Kooxda Al-Shabaab ayaa lacag madax furasho ah ku sii daayay Labo ka mid ah Saddex Gabdhood oo 2 Bil ka hor ay ka afduubteen duleedka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Gabdhaha la sii daayay ayaa u shaqeynayay Hay’ad lagu magacaabo Hello-Trust oo ka shaqeysa arimaha samafalka kadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago dhan 13,000 kun oo Dollar qofkiiba, waxaana la haystay muddo labo bilood sida uu sheegay in mid ka mid ah Waalidiinta Gabdhaha dhalay.
“Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo saddex ahaa,alaxadulillah maanta ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen howlo samafal ah oo ay Gobolka ka wadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax”, Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.
Lama ogo ilaa hadda Sababta ay u reebteen Al-Shabaab gabadha kale ee lala Afduubtay Labada maanta la sii daayay, waalidiinta dhalay gabadha ku harsan Gacanta Al-Shabaab ayaa ka walaacsan Xaaladda gabadhaasi oo la sheegay in ay ku xeran tahay deegaanka Buq-Aqable ee gobalka Hiiraan.
Arintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay Shalay gilinkii danbe Al-Shabaab 3 Shaqaale Samafal ah ka afduubteen deegaan qiyaastii 20 KM uga beegan duleedka koonfureed Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay waxayna wadarta Shaqaalaha Samafalka ah ee Al-Shabaab u afduuban noqonayaan 4 qof oo kala ah Saddex Gabdhood iyo hal wiil oo u kala shaqeeya hay’adaha kala ah Hello-Trust iyo Gredo oo dhammaantooda madax furasho laga qaatay.