Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay iyo saaka ka dhacay degaanka Ciidciidka ee degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.
Dagaalka oo ay hoggaaminayaan taliyaha ciidamada dhulka Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa la sheegay in inta badan degaankaasi laga saaray maleeshiyadii Alshabaab ee muddo bil ah ku jirtay.
Shalay ayey ahayd markii Dab la qabadsiiyay qeybo ka mida Howdka Ciidciidka oo Alshabaab ay ka qoteen dhufeyso waaweyn, kadib markii y iska caabiyeen ciidamadii weerarka ku hayey, waxaana halkaasi tegay ciidamadii ugu badnaa.
Goobihii laga saaray Khawaarijta ayaa la sheegay inay Ciidamada dowladda ka saareen miinooyin ay Alshabaab ku aaseen, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in maleeshyada Alshabaab ay ka baxday degankaasi xilligii danbe ee xalay.