Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kacsan ay ka jirto magaalada Balcad ee Muqdisho u jira 30 KM.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii duleedka magaalada lagu arkay maleeshiyo fara badan oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo laga cabsi qabo inay gudaha u soo galaan magaaladaasi sida dhacdayJimcihii.
Dhinaca waqooyi ee magaalada ayaa la sheegay inay ka qaxeen dad fara badan, iyadoo la xiray goobihii ganacsiga, isla markaana xaaladu isu bedeshay kala carar, waxaana magaalada ka taagan cabsi ku qaabsan weerar kale oo ay ku soo qaadaan Alshabaab.
Maalintii Jimcaha ayay ahayd markii Alshabaab ay ka wareegeen qeyb ka mida Balcad oo maxaabiis ka sii daayeen saldhigga isla markaana qaateen idaacad ka dhisneyd halkaasi, waxayna u muuqataa in Balcad ay isu bedeshay bartilmaadeed ay Alshabaab halis joogto ah ku heyso.