Wararka laga helayo saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay gacanta ku heyso oo si maxaabiis ahana ah ku qabsatay 12 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee fadhigoodu ahaa xerada Ceelcade ee weerarku ka dhacay Jimcihii.
Askarta maxaabiis ahaanta looga qabsaday Kenya oo markii hore ay beeniyeen madaxda dalkaasi ayaa mar dambe xaqiijiyay inay ciidamo badan ka maqan yihiin nolol iyo geeri. Laakiin arrinta ugu weyn ayaa ah in askarta laga qabsaday Kenya uu ka mid yahay taliyihii xerada Ceelcade oo ahaa sarkaal sare oo major.
Taliyaha ciidamada Milateriga Keya Gen. Samson Mwathethe ayaa sheegay in howlgallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya ay cakireen ciidamada maxaabiista ah oo laga yaabo inay Alshabaab difaac ka dhigtaan, wuxuuna caddeeyay inaysan ogolaan karin qasaare kale oo ciidamadooda ku yimaada.
Wadani.com