Kooxda Alshabaab ayaa shaacisa in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay tababarreen Imaaraadka Carabta ay ku toogteen Fagaaro ku yaala degaanka Buq aqable ee Gobolka Hiiraan.
Dilkan oo lagu sheegay Xadn Riddah ama Islaamka ka bixid aya lagu filay askari lagu magacaabi jiray Sahal Axmed Rasle, iyadoo dadweyne badan ay Alshabaab isugu keeneen fagaaraha uu dilka ka dhacay.
Alshabaab ayaa sheegtay in Askarigan uu tirsanaa ciidamada ay tababartay dowlada Imaaraatka Carabta. Garsooraha Alshabaab ayaa goobta in askarigan gacanta lagu dhigay, isagoo gaari shacab isku soo qariyay kana soo baxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Cabudwaaq ee gobalka Galgaduud.