Dilal kala duwan oo ay fuliyeen kooxo Bitoolado ku hubeysan ayaa manata ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii socdaan falalka Alshabaab ku beegsaneyso Beelo gaara oo dagaal kula jira Gobollada Dhexe ee dalka.
Waxaa Suuqa weyn ee degmada Wadajir, caasimadda Muqdisho saaka lagu dilay Ganacsade lagu magacaabi jire Daahir Jugle xilli uu ku sugnaa Goobtiisa shaqo, waxaana Goobta ka baxsaday dableydii dilkiisa fulisay, inta aysan gaarin ciidamda Amniga.
Isla salay waxa Suuqa Bakaaraha lagu weerarray Ganacsade Guuleed Cali Aw-Aadan oo dhawaciii kasoo gaaray rasaastii ku dhacday u geeriyooday. Labada Ganacsade ee dilalkii ugu danbeeyay lagu beegsaday ayaa ahaa dhalinyaro shaqooyin yaryar sameystay oo Alshabaab u beegsatay inay kasoo jeedaan Beesha degta degmada Cadaado oo dagaal kala hor timid.
Dhinaca kale xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo beeshan ku metela Golaha Shacbka ayaa ka hadlay dilalka ka dhacaya Muqdisho, isgoo Ganacsatada ugu baaqya inay joojiyana lacagaha canshuurta ah ee ay siiyaan Alshabaab.
“Ganacsatada Muqdisho jooga ee canshuur bixiyaha Shabaab ah, waxa ay arkaan in saaka dukaamadii yaryaraa wiilashi iibinayey lagu dhex dilayo iyaga oo aanay jirin cid ay dambi ka galeen aan ka ahayn in ay risaaqad xalaal ah soo raadsadeen kaliya. Waxa aan si gaar ah warka hoos ugu dhigayaa ganacasatada reer Muqdisho waa in aad ogaataan canshuur Shabaab la siiyaa lagugu dayn maayo ee walaalkaa ayaa lagu dilayaa masuuliyadana waxbaad ka qaadaysaa Aakhiro iyo Adduunba” ayuu yiri xildhibaan Saabir.
Wuxuu xildibaanka ku baaqay inay hurdada ka kacaan dadka Soomaaliyeed, ayna ogaadaan in loo socdo Diinta, Nafta, Hantida iyo Sharafta guud ahaan.
