Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay inay nolol ku qabatay askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha Sh/hoose ee Alshabaab Sheekh Maxammed Abuu Usaama ayaa warbaahinta Alshabaab u sheegay in howlgal gaar ah oo ciidamada Alshabaab ka fuliyeen degaanka Qoryooley ay ku soo qabteen Askari Yugaandheys ah.

Askarigan ayay AMISOM sheegtay inuu iskiis uga tegay xero uu difaac uga jiray oo ku taalla degmada Qoryooley, ayna baaritaan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen askariga maqan.
Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in askariga uu iskiisa uga tegay xerada isagoo aaday dhinaca Alshabaab oo markii dambe uu isu dhiibay.
Askariga ayaa watay qori AK 47 ah, rasaas iyo rasaasta Baasuukaha (RPG). Kooxda Alshabaab ayaa lagu wadaa inay saxaafadda u soo bandhigto askarigan.
Wadani.com