Wararka laga helayo Degaanka Ceel-cali Ee Gobolka Hiiraan oo ay shalay qabsadeen kooxda Alshabaab ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabab ay xirxireen dad badan oo ka mida dadkii magaalada.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay qabtay in ka badan 50 ruux oo dadka degaanka Ceelcali kasoo jeeda, waxaana dadkaasi ka mida odayaal iyo ganacsato.
Alshabaab ayaa shalay la wareegtay degaanka Ceel Cali oo ah kan ugu baaxadda weyn ee gobolka Hiiraan ayna degan yihiin dad ka badan 60,000 oo qof, waana magaaladii labaad oo ay banneeyaan ciidamada Itoobiya kadib Moqokori.
Wadani.com