Ururka Al-shabaab ee ka taliya qeybo ka mida Gobolka Gedo ayaa amar culus ku soo rogay odayaasha ku nool ddgaanada Ceelcadde iyo Ceelgaduud ee Gobolka Gedo, iyagoo ku amray inay ka qeyb galaan dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Saraakiisha Al-shabaab oo la kulmay odayaasha ayaa amar ku siiyay inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta oo diinta u gargaarta sida ay sheegeen inta lagu jiro Bisha Ramadaan.
Ujeedka Alshabaab ayaa ahaa inay gobolka Gedo laga soo ururiyo dhalinyaro u dagaalanta Al-shabaab, taasoo naxdin ku noqotay odayaasha isla markaana ay jawaab fiican siin waayeen xarakada.
Alshbaab ayaa caadiyaan kordhisa weerarada ay qaadeyso Bisha Ramadaan, waxayna falal weeraro iyo is-miidaamin ahna la beegsataa magaalooyinka iyo xerooyinka ciidamada AMISOM.
Wadani.com