Kooxda Alshabaab ayaa odayaal dhaqameed kasoo jeeda Jubbooyinka qafaashay iyadoo markii dambe ku xiray degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.
Odayaashan ayaa habeenkii Sabtida ay Alshabaab kasoo afduubatay degmada Afmadow ee xuduudka Kenya u dhow, waxaana iminka lagu xiray degmada Jilib, markii loo soo kaxeeyay halkaasi.
Magacyada oday dhaqameedyada ayaa lagu sheegay: Saalax Bashiir iyo Saleebaan Cali Xeydar, iyadoo aan la ogeyn sababta loo qafaashay iyo waxa ay dooneyso inay Alshabaab ku sameyso.
Alshabaab ayaa dhinaca kale hawada ka saartay Isgaarsiintii shirkadaha telefoonada ee magaalooyin badan oo ka mida Jubbooyinka, waxaana maalintii labaad maqan isgaarsiinta degaanada kala ah: Afmadow, Dhobley, Taabto, Qoqaani, Diif iyo degaano kale.
Wadani.com