Wararka laga helayo Gobolka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar qarax ah lala beegsaday Gaari ka mid ahaa Kolonyo ay wadata ay ciidamada AMISOM.
Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay ayaa ka dhacay degaanka Lafoole ee degmada Afoogye, waxaana la sheegay in mid kamida gawaarida gaashaaman ee AMISOM waxyeelo kasoo gaartay qaraxa
Dadka degaanka ayaa sheegay rasaas ay is weydaarsadeen labada dhinac qaraxa ka kadib uu ku dhintay Macallin Jacfar Cali Maxamed oo ka mid ahaa Barayaasha Dugsiga Al-Furqaan ee Jaamacadda Beeraha, wuxuuna ka mid ahaa rakaabkii saarnaa Gaari BL ah markaas la kulmay rasaasta.
Alshabaab ayaa si weyn u kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan agagaarka degmada Afgooye, waxaana weerar kale laga soo inuu halkaasi ka dhacay saaka.