Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Alshabaab oo shaacisay Heshiis yaab leh oo ay la saxiixatay Beesha Saleebaan H/Gidir

    Alshabaab oo shaacisay Heshiis yaab leh oo ay la saxiixatay Beesha Saleebaan H/Gidir

    December 22, 2022Updated:December 22, 20223 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Alshabaab ayaa shaacisay Heshiis ay la gashay Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee H/Gidir oo degmada Gobollada Dhexe, kana mida beelaha dagaalka culus kula jiray muddo sanado ah.

    Heshiiskan oo aan weli laga xaqiijin Siyaasiyiinta iyo odayasha Beeshan ee taageersan dowladda Federaalka ayaa dhigaya inay Beesha dagaalyahannadeeda kala baxdo ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab iyo qoddobo kale.

    Alshabaab ayaa Beesha ku wareejin doontaa maxaabiis gaareysa 67 qof oo ay ka heysato, waxayna u fasaxi doontaa Ganacsiga iyo socodka Gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada Beesha loo fasaxay.

    Heshiiskan ayaa waxaa ku saxiixan 14 Nabaddoon oo ka tirsan Beesha Saleebaan iyo labada Guddoomiye Gobol ee Alshabaab u qaabilsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna soo baxay xilli in muddo ah aan wax dagaal ahi ka dhicin degaanda ay isku hor fadhiyeen labada dhinac.

    HOOS KA AKHRISO QODOBADDA UU MUHIIMSAN HESHIISKA

    Taariikh: 28 Jamadul Awal 1444 Hijri.(22/12/2022)

    Kadib shirar iyo kulamo dhexmaray Al-Shabaabul iyo odayaasha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleebaan, kulamadaas oo ka dhacay degmada Xaradhereere, socdayna muddo toban maalmood ah, laga billaabo 18 Jamaadul Awal ilaa 28 Jamaadul Awal 1444 Hijri. Waxay labada dhinac ku hishiiyeen qodobada soo socda:

    Qodabada heshiiska:

    1: Waa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo deegaanada beesha Reer Xaaji Saleebaan, fulinta arinkaasna ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa.

    2: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay iska fogeysaa, berina ka noqotaa, aysana la shaqaynin cadawga shereeco la dirirka ah, sida gaalada saliibiyiinta ah, murtadiinta iyo mushrikiinta.

    3: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay safka cadawga ka saartaa dhamaan dadkeeda, gaadiidkeeda iyo hubkeeda nooc walba oo uu yahay.

    4: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan aysan deegaanadeeda u ogolaanin qabiil dullaan ku ah ku dhaqanka shereecada Islaamka iyo nidaamka Wilaayaatka Islaamiga.

    5: Waa in Xarakadu ay beesha ku wareejiso dhamaan maxaabiista ka dhashay beeshaas, tiradooduna tahay 67 qofood kuwaas oo kujira gacanta Xarakada.

    6: Waa in beesha loo fasaxo dhamaan gaadiidka iyo ganacsiga laga xayiray dagaalkii dhacay kadib.

    7: Waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex-qaato degaanada beesha loo fasaxay.

    8: Cid waliba oo gacansiisa ama qarisa cadowga Muslimiinta waxuu ku xukun noqonayaa lana mid noqnayaa cadowgaas.

    Deegaanada loo fasaxayo beesha iyo shuruudaha ku xiran:

    Dadka deegaanadaas loo fasaxay waxaa laga rabaa inay fuliyaan arrimaha soo socda;-

    1: Waa in dadka deegaanadu amniga kala shaqeeyaan wilaayada Islaamiga ah.

    2: Waa in la ilaaliyo bad-qabka dhulka lagana hortago xaalufinta deegaanka.

    3: Waa in deegaanadu u hogaansamaan awaamirta wilaayaada islaamiga ah.

    4: Waa in aan dhulka lafasaxay lagu dhibaateynin Mujaahidiinta, ayna marikaraan meshey donaan.

    5: Wixii meshaas Mujaahidiinta loogu geysto – aan aheyn ciidan duullaan ah – masuuliyadeeda beesha ayaa qaadeysa.

    6: Waa inay ilaaliyaan deris-wanaaga beelaha ey walaalaha yihiin

    7: Waa in ey ka fogaadaan xarumaha cadawgu degan yahay.

    FG: Mudada heshiiska lagu dhaqan gelinayo waa 7 maalmood o ka bilabaneysa maalinta la saxiixay malinta ka danbeysa .


    Saxiixa beesha Reer Xaaji Saleebaan:
    1- Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale(Faniinto)


    2- Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle-


    3- Nabadoon Sugaal Warsame Cali

    4- Nabadoon Cabdinuur Axmed Faarax

    5- Nabadoon Cali Nuur Bootaan Kulmiye

    6- Nabadoon Maxamad Cali Aadan

    7- Nabadoon Axmed Maxamuud (Foolfooley)

    8- Nabadoon Maxmed Saciid Jimcaale

    9- Nabadoon Guray Cabdulle Axmed

    10- Nabadoon Cabdi Daahir Maxumud

    11- Nabadoon Cali Saciid Axmed Rooble

    12- Nabadoon Ciise Cali Aadan

    13- Nabadoon Cali Cumar Maxamed

    14- Nabadoon Axmed Macalin Xasan

    Saxiixa Wakiillada Xarakada:

    1- Sheekh Cabdullahi Abu Khalid (Waaliga Galguduud)


    2- Sheekh Xassan Abu Xamza (Waaliga Mudug)

    Alshabaab Beesha saleebaan Galmudug Heshiis Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif oo ka hadlay Sarkaal Qarax lagu dilay iyo xoreynta degmada Ruun-Nirgood
    Next Article Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Baydhaba iyo ciidamo mucaarad ku ah Laftagareen oo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo