Kooxda Al-shabab ayaa shaacisay i ay dishay Askari Mareykan ah, kaddib weerar ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.
Warbaahinta Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay askariga Mareykanka uu ka dhacay inta u dhaxeysay Tuulooyinka Yoontooy iyo Buulo Guduud, isla markaana ay isla dagaalkaasi ku ciidamo tirsan AMISOM markii labada dhinac uu dagaal culus dhex maray maanta.
Saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamo isbaheystay oo isugu jira Itoobiya, Kenya, Mareykanka iyo kuwa Jubaland ay maalintii labaad kula dagaallamayaan degaanka Buulo Guduud iyagoo qasaare gaarsiiyey. Waxayna Alshabaab sheegtay in Askariga Mareykanka ah iyo askarta kale lagu dilay weeraro jidgal iyo qaraxyo ah oo ay qaadeen.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo Mareykanka oo ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay duleedka Kismaayo oo Alshabaab sheegatay inay ku dishay askari Mareykan ah iyo 4 ka tirsan ciidamada AMISOM.