Bayaan ay soo saartay Alshabaab goor dhowe ayaa taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab waxay ku shaaciyeen inay gacanta ku hayaan maxaabiis askar ah oo u dhashay dalka Uganda.
Bayaanka oo uu soo saaray Sheekh C/Casiis Abuu Muscab afhayeenka ciidamada Alshabab ayuu ku sheegay inay jiraan maxaabiis Uganda u dhashay oo gacanta Alshabaab ku jira.
Bayaanka Alshabab waxaa lagu caddeeyay in maxaabiistan lagu qabtay dagaalkii maalintii talaadada ee 1-da Bishan September ka dhacay degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.
Maxaabiista ayaa la sheegay inay caafimaad qabaan, laakin ALshabaab ma sheegin tirada ciidamada ay hayaan Alshabaab. Dowladda Uganda ayaa hore u sheegay in dhammaan ciidamadooda ay bad qabaan oo 12 ka mida looga dilay dagaalkii Janaale.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]