Alshabaab ayaa shaacisay inay madaafiic ku weerartay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo fadhi u ah ciidamada AMISOM, kuwa Q/Midoobay iyo safaaradaha reer Galbeedka.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in Maanta Duhurkii ay madaafiic dhowr ah ku weerarreen xeralada Xalane, waxaana warka Alshabab lagu sheegay in tiro madaafiic ah ku weerarreen xerada Xalane, iyadoo uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Wararka laga helayo Xalane ayaa sheegaya in qof ku dhaawacmay madaafiicdaasi.
Duhurtii maanta ayaa jugta ilaa saddex madfac laga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley oo kaabiga ku haya xerada Xalane, balse ma jirin wax faahfaahin ah oo ay kasoo saareen hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya.
Dhowaan ayey ahayd markii weerar noocan oo kale ah Alshabaab ku qaaday Xerada Xalane, taasoo keentay in xilkii laga qaado taliyaha Booliska Degmada Wadajir, waxaana muuqata inay weli socoto duqeyntii.