Alshaab ayaa war ka soo saartay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Warka Alshabaab ayaa lagu shaaciyey in qaraxa oo ahaa is-miidaamin lagu qaaday Saraakiil Mareykan ah oo u shaqeeyayshirkadda qaabilsan arrimaha difaaca Pacific Architects and engineers.
“Camaliyad is-miidaamin ah (istish-haadi) ah labeegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil Caddaan American ah waxaa si gaar ah loo beegsaday gaarigii ay saarnaayeen saraakiisha Mareykanka ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac leh” ayaa lagu yiri War ay baahoiyeen warbaahinta Alshabaab taageerta.
Alshabaab ayaa sheegtay in Shirkadda Pacific Architects and engineers dhinaca Saadka iyo farsamada ka caawiso ciidamada dowladda Federaalka, iyado sarkaaiishan ay shaqo ka wadeen xarunta Taliska Villa Baydhabo, sida Alshabaab sheegtay.
Qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM iyo saraakiisha la beegsaday ayaan la ogeyn, iyadoo aanu war kasoo bixin AMISOM.
Gaariga ayaa isku qarxiyey kolonyo ciidamo AMISOMQ ah oo mareysay Isgoyska Banaadir HJidka taga Villa bayudhaba oo hore qarax loogula beegsaday taliyaha Booliska Gobolka banaadir Farxaan Qaaroole.
