Alshabaab ayaa shaacisay magic, beesha uu kasoo jeedo iyo dardaaran laga duubay is-miidaamiyihii weerarka degaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo dhacay –.
Weerarkii Camaara ayaa ciidamada Galmudug looga qabsaday Gaadiid dagaal iyo saanad fara badan, isagoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in is-miidaamiyihii qaraxa weyn fuliyey uu ahaa Cabdiraxmaan Zeynudiin.
Is-miidaamiye C/raxmaan Zeynudiin ayaa kasoo jeeda magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasoo uu ku dhashay, kuna barbaaray, kadibna wuxuu ku biiray Alshabaab, isagoo ka safray dalka Kenya, una gudbay Koonfurta Soomaaliya.
Dardaaranka laga duubay Cabdiraxmaan Zeynuddiin ayaa ahaa mid uu ku hadlayo luuqadda sawaaxiliga, iyado laga furmayo ayu sheegay inuu doortay is-miidaamin, isagoo farriin u diray ciidamada dowlada, uguna baaqay inay towbad keenaan.
Waa is-miidaamiyihii ugu horeeyay ee ajnabi ah oo muddooyinkan Dowladda Soomaaliya weerar ka fuliya Soomaaliya, waxayna is-miidaamiyeyaashii hore u badnaayeen Soomaali kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool.
