Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay ninkii fuliyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay Khamiistii 11-ka Novembar 2021.
Ninkan oo wareysi laga sii duubay intii aanu is-qarxinta fulin, sida caadadda u ah Alshabaab ayaa magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Xasan Iimaan oo loo yaqaan Xalliye iyo Caasim, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Reer Shabeelle/ reer Ciise.
Wuxuu ku dhashay kuna dhashay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, wuxuuna ahaa ciidamada ka howlgala Gobolka banaadir, isagoo Alshabaab ku biiray sanadkii 2010, kadibna wuxuu ka mid noqday kooxda is-miidaamiyeyaasha Alshabaab.
Qaraxa uu fuliyey ninkan ayaa lala beegsaday Gawaari ay wateen ciidamada AMISOM, waxayna Alshabaab sheegeen inay ku waxyeelleen sarkaal Mareykan ah iyo laba Ugandes ah.
Wuxuu kaxeynayey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, isagoo la beegsaday gaadiidka AMISOM oo markii uu qaraxa dhacay kadib la arkayey in askar caddaan ah oo la socday AMISOM.
