Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii isku Qarxiyey Kolonyo socotay Waddada Afisyone ee 21-ka Oktoobar Arbacadii 12 Janaayo 2022.
Sida ay baahisay warbaahinta Alshabaab ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan Gureey (Siciid), wuxuuna ahaa is-miidaamiye Gaari laga so buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo Alshabaab sheegtay inuu beegsaday Kolonyo Caddaan American ah.
Maxamed Aadan Gurey oo dardaaran laga duubay ayaa sheegay inay da’diisu taha 44 sano jir, kana soo jeedo Beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Dirisame, isagoo sanadkii 1977-kii ku dhashay degaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.
Is-miidaamiye Maxamed Aadan Gureey ayaa Alshabaab ku biiray sanadkii 2011-kii, wuxuuna 10 sano kadib noqday is-miidaamiye isku qarxyey Caasimadda Muqdisho.
Alshabaab ayaa xilli kasta baahisa dardaaran laga reebo is-miidaamiyeyaasha fuliyay qaraxyada, waxaana la shaaciyaa beelaha ay kasoo jeedaan.
